Meydka Cali Khaliif Galaydh Oo Laga Duuliyey Magaalada Jigjiga

Jigjiga (HCTV) – Waxa Magaalada Jigjiga laga duuliyey Meydka Allaah ha u naxariistee Marxuum Cali Khaliif Galaydh.

Marxuum Galaydh oo Khamiistii la soo dhaafay ku Geeriyooday Magaalada Jigjiga ayaa loo duuliyey Magaalada Muqdisho oo la doonayo in lagu aaso.

Ehellada Marxuumka ayaa Dalbaday in Meydka Cali Khaliif Galaydh lagu aaso Magaalada Muqdisho.

Madax ka socota Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Maamullada Soomaaliya ayaa Muqdisho kaga qayb-galay aaska Marxuum Cali Khaliif Galaydh.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka