Madaxweynaha Turkiga oo go’aan layaab leh ka qaatay hogaamiye dal deris la ah


Madaxweynaha Turkiga, Rajab Tayib Erdogan, ayaa sheegay in aanu aqoonsaneyn hogaamiyaha dalka jaarka la ah ee Giriigga, isla markaana uusan ka qeybgeli doonin kulan la qorsheeyay oo ay isku arki lahaayeen

Madaxweyne Erdogan ayaa ku eedeeyay ra’iisal wasaaraha Giriigga, Kyriakos Mitsotakis, inuu Maraykanka ka codsaday in la joojiyo diyaaradaha dagaalka oo ay Washington ka iibin rabto Turkiga.

“Waan ka tiray buugayga magaca Mitsotakis, oo ma aha qof ii tirsan,” ayuu Erdogan u sheegay weriyayaasha xilli uu ka soo baxay kulan uu la lahaa golihiisa wasiiradda.

Giriigga ayaa sheegay in uusan ka jawaabi doonin hadalka Erdogan si uusan xaaladda uga sii darin.

Khilaafka cusub ee u dhexeeya dalalkan deriska ah ayaa ku soo beegmay xilli xukuumadda Ankara ay diidan tahay ballaarinta gaashaan buurta Nato.

Turkiga ayaa ku eedeeyay waddamada Finland iyo Sweden oo codsaday inay ku biiraan Nato inay gabbaad siiyaan “argagixiso” iyo in khalad weyn ay ahayd in Giriigga loo oggolaaday inuu gaashaan buurta dib ugu biro sanadkii 1980-kii.

Madaxweyne Erdogan ayaa ka carooday khudbad uu Ra’iisal wasaare Mitsotakis ujeediyay Congress-ka Maraykanka todobaadkii tegay, isagoo ka codsaday in aan Turkiga laga qaadin xannibaada saaran ee ku aaddan iibsiga diyaaradaha dagaalka ee nooca F-35.

Maamulka Biden ayaa la sheegay inuu ka fekerayo sidii uu Turkiga uga qaadi lahaa xannibaada oo lagu soo rogay kadib markii uu dalkaas sanadkii 2019 Ruushka ka iibsaday qalabka difaaca hawada ee S-400.

Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in hogaamiyaha Giriigga uu jebiyay heshiis horay ay u gaareen labadooda waddan oo dhigayay in khilaafkooda uusan ku lug yeelan dal saddexaad.

Hogaamiyaha Turkiga ayaa sheegay inuu joojiyay kulan uu dhammaadka sanadkan la yeelan lahaa dhiggiisa Giriigga, isla markaana “uusan mar dambe la fariisan doonin.”

Inkastoo Giriigga iyo Turkiga ay ka wada tirsan yihiin Nato, ayaa haddana labadan waddan waxaa u dhexeeya khilaaf xooggan oo xitaa mar isu bedali gaaray dagaal toos ah.

Waxa ay tan iyo 1974 isku hayaan Qubrus oo dagaal dheer kadib noqotay jasiirad laba u qeybsan. Sanadkii 2020, Turkiga ayaa maraakiib dagaal u diray qeyb ka tirsan badda Mediterranean-ka oo loo aqoonsan yahay inuu leeyahay Giriigga, si halkaa uu uga baaro gaas.