Xisbiga WADDANI Oo Dhaliilay Hadalkii Taliyaha Milatariga Somaliland Ka Soo Yeedhay

Hargeysa, (HCTV) – Xoghayaha guud ee xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Khadar Xuseen Cabdi ayaa dhaliilay hadalkii maalintii shalay ka soo yeedhay Taliyaha Ciidamada Qaranka Somaliland Nuux Ismaaciil Taani uu kaga hadlay Ciidamo ku sugnaa gobolka Badhan oo sheegay inay ku biireen maamul goboleedka Puntland.

Xoghayaha xisbiga Mucaaridka Waddani ee Somaliland  waxa uu ku eedeeyey Taliyaha MIlatariga Somaliland in isaga iyo Puntland ay isku si ugu farxeen ciidamada ka goostay Somaliland.

Khadar Xuseen Cabdi, Xoghayaha xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa sidaasi ka sheegay shir jaraa’id oo uu maalintii shalay ku qabtay magaalada Hargeysa, isagoo xoghayuhu arimahaasi ka hadlayana waxa uu hadalkiisa ku bilaabay oo uu yidhi “Hadalka shalay Taliyaha ka soo yeedhay wuxuu ahaa hadal runtii dhiilo leh, shacabka reer Somaliland siday uga jawaabeena aadbaan ugu faraxsanahay inaan maanta qof ilaa shalay intii uu hadlay qof reer Somaliland ah oo waxaa uu yidhi ku farxani ma jirto. Hadal dadka dhagahooda iyo qalbigoodaba dilay ayuu xaqiiqatan ahaa.

Waxa uu taliyuhu yidhi waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay inay tageen, wax aad looga xumaado ah in isaga iyo Puntland ay isku wax ku farxaan, Puntland way hadashay oo waxa ay ku faraxday in ciidamadaasi ay Somaliland ka soo tageen, taliyaheenii ciidankuna wuu farxay oo waxa uu ku farxay in ciidamadaasi ka tageen, wuxuu ku sababeeyey shilimaan iyo dhaqaale iyo lacag qaranka uga dhigmaya oo u badbaadaya.

Taliyuhu cashuurta shuqul kuma laha, shaqadiisa maaha sida loo qorshaynayo, cida la siinayo, halka la marinayo, waa arimo siyaasiya weeyaan. Taliyaha waxa laga doonayey oo shaqadiisu ahayd ciidankiisa, dhisibiliinkiisa, akhlaaqdiisa iyo wadajirka ciidankiisa inuu ilaaliyo, isagoo ciidankiisa maalinba xayni ay goosanayso oo maalin walba xayni ay ka baxayso ciidankii qaranka, waa wax aad iyo aad looga xumaado in Taliyihii intuu soo fadhiistay hadalkii uu arimahaasi uu xal uga raadin lahaa waxa aynu aragnay ee kuligeen daawanay uu ku hadlay oo uu ka sheekeeyey, macno kale oo fog ayay yeelanaysaa,” ayuu yidhi Xoghayaha xisbiga Waddani.

Xoghaye Khadar mar uu sidoo kale ka hadlayey arinta Kornayl Caarre ee uu Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland uu ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Arinta labaad ee uu ka hadlay waxa weeyi arinta ninka Kornayl Caarre la yidhaahdo oo odayaashu ay nabad ka dhex wadeen, arintaasi anagu ilaa hadda inta aanu ognahay niman odayaal ah oo akhyaar ah ayaa meesha tagay, wadahadalo ayay galeen, nabad ayay ka keeneen, way hadleen nabad ayaanu sidnaa ayay yidhaahdeen, Somaliland nabad ayaanu uga sidnaa ayay yidhaahdeen, Madaxweynaha ayaanu la sugaynaa ayay yidhaahdeen, cid ay u sheegeen xiliga iyo waxyaabaha lagu heshiiyo in nabadaasi ay ku unkanto ma jirto.” Ayuu yidhi Xoghayaha xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.