Yemen: 60 Qof Oo Ku Dhintay Duqayn Ay Xabsi La Beegsadeen Xulafada Sucuudigu

Yemen: 60 Qof Oo Ku Dhintay Duqayn Ay Xabsi La Beegsadeen Xulafada Sucuudigu

Roob Iyo Fatahaado Khasaare Gaadhsiiyey Ruushka
Kenya Oo Xayirtay Shixnadaha Alaabta Aan Lala Socon Ee Ka Yimaada Somalia
Wasiirkii Qorshaynta Oo ka Jawaabay Su’aal Khusaysa Waxa Xilka Looga Qaaday
15 Qof Oo Ku Dhintay God Macdan Laga Qodayey Oo Dumay
Hindi Iyo Carab Bogaadiyay Madaxwaynaha Somaliland

Yemen (HCTV) – Deraasiin Dad ah ayaan ku dhintay Duqaymo ay Xulafada Sucuudiga iyo Imaaraadku hoggaaminayaan la beegsadeen Xabsi ku yaaalla Galbeedka Dalka Yemen, sida laga xoo xigtay Jabhadda Xuutiyiinta.

Yuusuf al-Hadri oo ah Afhayeenka Wasiirka Caafimaadka ee Xuutiyiinta ayaa sheegay in ugu yaraan 60 Qof ay ku dhinteen Duqaymo diyaaradaha Xulafadu la beegsadeen goob Xabsi ahaan loo isticmaalo oo ku taalla Waqooyiga Magaalada Dhamar.

Wuxuu intaa ku daray inay dhaawacmeen illaa 50 Qof, sida uu u sheegay Afhayeenku, Telefiishanka Xuutiyiinta ee loo yaqaano Al Masirah TV.

Afhayeenku wuxuu intaa ku daray in goobta la duqeeyay lagu hayey Maxaabiis Dagaal oo gaadhaya 185.

Laakiin, War ka soo baxay Xulafada Sucuudigu hoggaamiyo ayaa lagu sheegay in diyaaradaha Xulafadu beegsadeen goob millateriga Xuutiyiintu leeyihiin oo ku taalla dhamar, isla-markaana burburiyeen goob ay ku kaydsanaayeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka iyo Gantaallo.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka

COMMENTS

%d bloggers like this: