Akhri: 15 Qof Oo Ku Geeriyooday Dhisme 3 Dabaq Ah Oo Dumay

Mali (HCTV) – 15 Qof ayaa la soo weriyey inay Geeriyoodeen, ka dib markii Fooq Saddex Dabaq ah uu soo dumay.

Shilkan oo ka dhacay Caasimadda Dalka Mali ee Bamako, ayaa sidoo kale waxa khatar ku galay 26 Qof oo kale, kuwaasi oo xilligaa ku sugnaa goob Mashquul badan oo Dhismuhu ku yaallo, sida ay soo werisay Warbaahinta Dawladdu.

Waxa la bedbaadiyey Dad ay ku jiraan Carruur, gaar ahaan Gabadh yar oo Afar jir ah oo burburka dhismaha laga soo hoos saaray iyadoo weli nool.

Markii koowaad, Dabaqa ugu sarreeya ayaa ku soo dumay labada Dabaq ee ka hooseeyay, kuwaasi oo markii hore Dad la ciirciirayey, taasina waata keentay inay Geeriyoodaan Dad gaadhaya 15 Qof, Dad kalena khatar galaan.

Dawladda Maali ayaa xilli dambe oo Maanta ah sheegtay in la bilaabay baadhitaan lagu samaynayo Mulkiilaha dhismaha Burburay.

Burburka dhismayaasha noocan ah ayaa iska caadi ka ah Mali, maaddaama oo guryaha lagu dhisto Qorshe iyo fasax la’aan, sida ay Warbaahintu Dawladdu sheegayso.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka