Duufaantii Ugu Darnayd Taariikhda Maraykanka Oo Ku Dhufatay Bahamas

Bahamas, (HCTV) – Duufaanta Dorian ayaa ku dhufatay waqooyiga Bahamas maanta oo Isniinta, taas oo noqotay duufaanta Atlanta ee ugu xoog badneyd abid inta la diiwaangaliyey, waxaanay burburisay guryo,  gawaadhida, iyadoo soo rogtay biyo awood badan.

Duufaanta ayaa ku socota saacadiiba 249 kiilo mitir (155 mph), Xarunta saadaasha Dabeylaha iyo duufaanta ee Maraykanka ee fadhigeedu yahay Magaalada Miami ee (NHC) ayaa lagu sheegay talo bixin 11am (16:00) GMT). Dorian ay ku dhufanayso Bahamas.

Macluumaadka ayaa bilaabay inuu ka soo baxo jasiiradaha ay dhibaatadu saameysey, iyada oo Bahamas ka jartay dhamaan laydhkii oo  gebi ahaanba ay mugdi tahay.

Duufaantan Dorian oo ka dhacday waqooyiga Bahamas ayaa sababtay in la joojiyo duulimaadyo tiro badan oo dalka Maraykanka ah, waxaana tirada duulimaadyada la joojiyey lagu sheegay inay ka badan yihiin 1,000 duulimaad.

Joy Jibrilu, oo ah agaasimaha guud ee Wasaaradda Dalxiiska iyo Duulista ee Bahamas, ayaa yidhi “Waxyeello weyn ayaa soo gaadhay hantida iyo kaabayaasha. Nasiib wanaagse, khasaare nafeed lama soo sheegin.”

Axadii, dabaylaha ugu badan ee joogtada ah ee Dori waxay gaadhayeen 297 km / h (185 mph), oo dabayl ah illaa 354 km / saacaddii (220 mph), taasoo u dhigeysa rikoodhkii duufaanta ugu xoog badneyd Atlanta ee abid soo marta inay dhacday.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.