Netanyahu Oo Gaashaanka Ku Dhuftay In Israel Basaastay Maraykanka

Washington, (HCTV) – Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay war ay baahiyeen warbaahintu oo sheegaya in Israel ay basaastay oo ay dhagaystay telefoono kuwa gacanta ah oo ku dhawaa Aqalka Cad ee dalka Maraykanka, taaso oo Madaxweynaha dalka Maraykankuna uu sheegay inuu arintaasi rumaysan yahay.

Raysal Wasaaraha Israel oo hadlayey xili uu safar ku joogay dalka Ruushka Khamiistii ayaa sheegay in aanay jirin wax telefoonada gacanta ah oo u dhawaa Madaxtooyada Maraykanka oo la dhagaystay, isla markaana waxa uu sheegay inuu mamnuucay basaasida ka dhanka ah Maraykanka, sida uu hadalka u dhigay Netanyahu.

“Waxaan amar ku bixiyey; inaan wax basaasid ah oo Maraykanka lagu sameeyey aanay jirin, lama basaasin,” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray, “Waxaan go’aamiyey inaan la samayn karin. Gabi ahaanba waan mamnuucay.”

War ka soo baxay xafiiska Netanyahu ayaa ku tilmaamay warkaasi ay baahiyeen warbaahintu “Been cad”.

“Dawlada Israel kumay lug yeelan hawlgal basaasid oo laga sameeyey gudaha dalka Maraykanka,” ayaa lagu sheegay War-saxaafadeedkaasi ka soo baxay Xafiiska Raysal Wasaaraha dalka Israel.

Warbaahin dhinaca online-ka ah oo la yidhaa Politico ayaa ku warantay in FBI iyo hay’addo kale oo Maraykan ahi ay baadhid ay sameeyeen ay ku soo gabogabeeyeen in dawlada Israel ay ka dambaysay telefoono iyo fariimo qoraal ah oo dhexda laga qabsaday oo ka dhacday Washington 2017-kii.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.