Kuwait Oo Mabnuucday Dhuxusha Soomaaliya Looga Dhoofiyo

Kuwait (HCTV) – Dawladda Kuwait ayaa joojisay Dhuxusha Soomaaliya laga dhoofiyo ee Dalkeeda loo iib-geeyo.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dalka Kuwait ayaa Masuuliyiinta Wasaaraddiisa ee ay khusayso Arrintani u soo jeediyey inay suuqyada ka mabuucaan oo ka joojiyaan Dhuxusha looga soo soo dhoofiyo Soomaaliya, iyadoo laga cabsi qabo in Lacagaha ka soo baxa ka ganacsiga Dhuxusha ay si aan toos ah loogu Maalgeliyo Argagixisada.

Sidaa waxa qoray Wargeyska Al-Rai daily oo soo xiganaya Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee dalka Kuwait.

Warqad xambaarsan Go’aan hore Golaha amaanka Qaramada Midoobay ugu mabnuucay Dhuxusha Soomaaliya in Dalka dibeddiisa loo dhoofiyo, ayaa Wargeysku sheegay inuu gaadhay Wasaaradda Ganacsiga Kuwait, sidaasi darteedna Wasaaradda oo amarka Qaramada Midoobay fulinaysaa ay soo saartay Amarka joojinta Dhuxusha Soomaaliya ee loo dhoofiyo Kuwait.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka