Akhri: Nigeria Oo Joojisay Caanaha Dalka Dibeddiisa Laga Soo Dhoofiyo

Nigeria (HCTV) – Dawladda Nigeria ayaa joojisay Caanaha dalka dibeddiisa laga soo dhoofiyo, si ay u taageerto Xoolo dhaqatada Gudaha dalka iyo Warshadaha gudaha dalka ku farsameeya Caanaha.

Laakiin,  waxa laga cabsi qabaa in Tallaabada Xukuumaddu Nigeria qaadday ay sababto Caano yaraan, taasina keento in Qiimaha Caanuhu kor u kacaan, sida uu baahiyey Telefiishanka Al-jazeera.

585 kun oo tan oo Caano ah ayay Sannad kasta oo saartaa Nigeria, laakiin taasi 40% ayuun bay ka tahay Caanaha ay u baahan tahay Nigeria.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka