Musuqmaasuq Baahsan Oo Ka Dhacay Laamaha Maaliyadda Ee Soomaaliya (Akhri)

Musuqmaasuq Baahsan Oo Ka Dhacay Laamaha Maaliyadda Ee Soomaaliya (Akhri)

Madaxweynihii Da’da Weynaa Ee Tunisia Oo Geeriyooday Isagoo 92 Jir Ah
Trump Oo Cunaqabayntii Ka Qaaday Turkiga
Lix Qof oo maalin walba Miidaamo ugu dhinta dunida
Trump Oo Sheegay In Dilka Qaasim Sulaymaani Lagu Joojinayey Dagaal Ka Dhan Ah Maraykanka
Xuska 18-ka May Oo Berbera Badda Iyo Berigaba Si Balaadhan Loogu Dabaal Degay

Muqdisho (HCTV) – Hanti-dhowraha guud ee Soomaaliya ayaa soo saaray Warbixin sanadeedka oo ku saabsan baadhitaan ay ku sameeyeen Hay’adaha maaliyadda dowladda.

War-bixinta ayaa lagu xusay inay Qasnadda Dawladda ka maqan tahay Malaayiin dollar, balse aan illaa hadda la garanayn sida loo isticmaalay.

Xafiiska Hanti-dhowraha guud ee Dowladda ayaa warbixin qoraal ah oo uu baahiyay ku faah faahiyay baadhista uu ku sameeyay Hay’adaha Dowladda qaar dakhli uruuriyeen iyo deeqaha caalamiga ah, warbixintan ayaa daaha ka rogtay musuq-maasuqa hay’adaha Dowladda, xafiiska Hanti-dhowrka Dowladda ayaa ku sheegay warbixintiisa in Wasaaradda Gaadiidka, Hay’adda dambi baadhista (CID) iyo Jaamacadda Umadda dakhliga ay qabteen ay dib u isticmaaleen isla-markaana aan la helin hab baadhistu ku sii socon karto.

“Muunada baadhista aan qaatay waxaan ku ogaaday in Hay’adaha Dowladda qaar ka mid ah ay qabteen wadarta dakhli gaadhaya US $ 1,350,400 oo ay isticmaaleen, taas oo baal-marsan Xeerka Xisaabaadka Dowladda 317 qodobkiisa 34aad oo soo baxay sannadkii 1961 (waxna laga bedelay 1972).

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada waxay qabatay dakhli dhan US $86,980 dib ayayna u isticmaashay; Hoggaanka Baadhista Dembiyada (CID) ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxay qabteen US $577,014 dib ayayna u isticmaaleen. Hay’adda Duulista Rayidka waxay qabatay US $130,130 dib ayayna u isticmaashay. Jaamacadda Ummada Soomaaliyeed waxay qabatay US $556,276 dib ayayna u isticmaashay.

Warbixinta ayaa deeqaha Caalamiga ah oo ay hesho dowladda Federaalka ah isla markaana ay ugu deeqeen Midowga Yurub, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, iyo UNOPS ay wadarta Deeq bixintooda aheyd $38,259,559 doolar, warbixintu waxaa ay sheegtay in deeqdaas caalamiga ah ay qasnadda dhexe ee Dowladda Federaalka gaartay $19,872,827 doolar.

Warbixinta xafiiska Hanti-dhowrka waxaa ay sheegtay in lacagta deeq bixiyaashu ay ka maqan tahay $18,386,732 doolar oo aan laheyn meel loo raaco.

 

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka

 

COMMENTS

%d bloggers like this: