AKHRI: Is-ugaadhsiga Ciidammada Masar Iyo Kooxaha Islaamiyiinta Ah

Masar (HCTV) – Masuuliyiinta Dawladda Masar ayaa sheegay in Sarkaal Boolis ah lagu dilay weerar Koox Islaamiyiin ahi ka geysteen Waqooyiga Sinai.

Masuuliyiinta ayaa sheegay in Weerarku uu Xilli dambe oo Isniintii Shalay ah ka dhacay Tuulada Sheikh Zuweid, ayna ku dhaawacmeen Saddex Askari oo kale, kuwaasi oo xilligan lagu daweynayo Cisbitaal halkaa ku dhow.

Dhanka kale, Madaxda Dawladda Masar ee weerarkan ka hadlay ayaa sheegtay in weerarka ka dhacay Sheikh Zuweid, ka dib ay Ciidammada amniga oo hawl-gal sameeyay ay dileen 13 ka mid ah Kooxda Islaamiyiin.

Hawl-galka lagu dilay 13-ka Mitidiinta ah ayaa Salaasada Maanta ka dhacay Magaalada Xeebta ku taalla ee el-Arish’ el-Obour

Masar ayaa dagaal kula jirta isla-markaana la tacaalaysa Kooxo Xidhiidh la leh Daacish, kuwaasi oo si joogto ah weerarro ugu qaada Xarumaha Ciidammada amniga.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka