Dab Ka Holcaya Kaymaha Dalka Australia Oo Khasaare Sababay

Queensland, (HCTV) – Dalka Australia Dab xoogle ayaa ka kacay dhulka miyiga ah ee bariga dalkaasi, waxaana bakhtiinta dabkaasi la tacaalaya kooxaha dab-damiska.

Wararka ku saabsan dabkan ka holcaya dalka Australia ayaa sheegayaan inay ku dhinteen 3 qof, halka dabkaasi uu burburiyey ugu yaraan 150 guri, dad tirobadanina ay guryahooda ka barakaceen, sida ay sheegayaan saraakiisha dawlada dalkaasi.

Masiibada dabkan ka kacay dalkaasi ayaa noqonaysa tii ugu horaysay taariikhda dalkaasi ee gaadha heerkaaasi aadka u sareeya sanadkan 2019-ka.

Waxaana xaalada uga sii daraya cimilo adag iyo dabaylo xoogle. Waxaana dadka dhintay ay ku sugnaayeen gobolka New South Wales.

Halka gobolka Queensland, kumanaan dad ahi ay u hoydeen xarumo ay ku barakaceen, waxaana masuuliyiintu ay sheegeen in ay halkaasi sii joogi doonaan inta laga hubinayo in guryahoodii ay badqabaan oo ay ku noqon karaan.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.