Baarlamaanka Puntland Oo Guddoomiye Cusub Doortay

Boosaaso, (HCTV) – Golaha Baarlamaanka Maamul Gobolleedka Puntland ayaa guddoomiye cusub u doortay Cabdirashiid Yuusuf Jabriil kadib markii uu ka guulaystay laba musharax oo kale oo la tartamay.

Cabdirishiid Yuusuf Jibriil iyo Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed ayaa wareegii labaad ee doorashada isugu soo hadhay waxaanay kala heleen oo helay 34 Cod iyo 17 co.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Puntland ayaa ku dhawaaqay natiijada in wareegii labaad uu ku guulaystay Cabdirishiid Yuusuf Jibriil oo helay 46 cod halka musharaxa labaad ee la tartamayey ee Xildhibaan Cabdi Jamaal Cismaan uu helay 17 Cod, waxaana sidaa guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ku noqday Cabdirashiid Yuusuf Jabriil.

Guddoomiyaha cusub oo hadlay ayaa balanqaaday in uu wada shaqeyn dhaw la yeelan doono guuud ahaanba xildhibaannada Golaha Shacabka isaga oo ilaalinaya sharciga iyo dastuurka dowlad gobolleedka Puntland.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.