Somaliland Oo Ku Guulaysatay Inay Soo Afjarto Jabhad La Baxday Cawaale

Somaliland Oo Ku Guulaysatay Inay Soo Afjarto Jabhad La Baxday Cawaale

Maamulka HCTV Muxuu Ka Yidhi Xayiraadka Telefishanka La Saaray
Dhisme 7 Dabaq Ah Oo Ku Burburay Cambodia
Jabuuti Oo Hoggaaminaysa Dalalka Geeska Afrika Ee Uu Ka Jiro Covid_19
Dowladda Soomaaliya Oo Dalbatay In Loo Soo Gacan Galiyo Wasiirka Amniga Jubbaland
Kiiskii 8aad Oo Cudurka Coronavirus Oo Laga Helay Soomaaliya

Boorama, (HCTV) – Ergooyin isugu jira Aqoonyahano, Oday dhaqameed iyo Masuuliyiin xukuumada Somaliland ka tirsan ayaa maanta ku guulaystay inay soo afjaraan koox dhawaan deegaan Laastuug oo hoostaga gobolka Awdal kaga dhawaaqay inay yihiin Jabhad la baxday Cawaale.

Wadahadal dhexmaray ergadaasi nabad-doonka ah iyo kooxdaasi jabhada la baxday ayaa si wadajir ah ugu dhawaaqeen inay soo afjareen arintaasi isla markaana kooxdaasi ay ka noqdeen jabhadaasi Cawaale, tabashadoodana xukuumadu ay dusha ku qaadatay.

Abaanduulaha Ciidanka Qaranka Somaliland, Cabdirisaaq Siciid Bullaale oo isagu ka mid ahaa masuuliyiintii arintaasi ka hawlgalay ee ku guulaystay inay soo afjaraan ragaasi tabashadooda dhinaca qaldan u maray oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Si guul ah ayay noogu dhamaatay, halkaana waxa aanu ku soo afjarnay oo ay noogu balanqaadeen inay kaga noqdeen jabhadii ay ku dhawaaqeen dhawr cisho ka hor ee ahayd jabhada Cawaale, oo ay halkaa ku tirtireen sida ay halkan kaga dhawaaqeen,” ayuu yidhi Abaanduulaha Ciidanka Qaranka Somaliland, Cabdirisaaq Siciid Bullaale.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.

COMMENTS

%d bloggers like this: