Taliyaha Booliska Somaliland Oo Sheegay Inay Joojiyeen Mudaharaadka Gudoomiye Ciro Ku Baaqay

Hargeysa, (HCTV) – Taliyaha Ciidanka Bileyska Somaliland Sareeyo Guuto, Maxamed Aadan Saqadhi ayaa sheegay in aanay gabi ahaanba aqbali doonin mudaharaad dhaca, isla markaana ay joojiyeen Mudaharaadka uu taageerayaashiisa ugu baaqay Gudoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Ciro in maalinta barito ah la isugu yimaado xarunta xisbiga Waddani.

Taliyaha Ciidamada Bileyska Somaliland Maxamed Aadan Saqadhi, waxa uu intaa ku daray in Bileys ahaan ay sharciga ku adkaan doonaan, isla markaana aanay arintaasi ogolayn.

Maxamed Aadan Saqadhi Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland isagoo arintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Anigoo daba socda hadalkii uu maanta uu jeediyey gudoomiyaha xisbiga Waddani ee uu ku baaqayey in ummadda reer Somaliland ay isugu yimaadaan meel goob ah, waxaan sheegay in aanu sharciga ku adkaan doono hadii alle yidhaahdo.

Marka dad la isugu yeedhayo, wali lama arag mudaharaad Somaliland ka dhacay oo inta badan najaxay, mid walba dhib iyo hawl ayaa ka timaada. Marka la isugu yeedhayo ee ummadd la doonayo in la kiciyo sharcibay leedahay, mudaharaadku sharci buu leeyahay, waxaynu nahay dal sharci leh, waxaan sharci lahayna yeeli mayno.

Madaharaad aan sharci lahayni inuu dhaco ama inta ay umaddi soo ururto oo waxay doonto samayso ma yeelayno, dadku way wanaagsan yihiin, laakiin in xunbaa dhex socoto, ujeedooyinkii la isugu yeedhay ee guracnaana way dhex socdaan,” ayuu yidhi Taliyaha Ciidamada Bileyska Somaliland, Sareeyo Guuto, Maxamed Aadan Saqadhi.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.