Xisbiga Waddani Muxuu Ka Yidhi Doorashada Gudoomiyenimada Cabdirashiid Riyo-raac

Xisbiga Waddani Muxuu Ka Yidhi Doorashada Gudoomiyenimada Cabdirashiid Riyo-raac

Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Hadlay Qarax Lagu Hoobtay Oo Muqdisho Ka Dhacay
India: Sarkaal Sare Oo Muwaadinnimadiisa Muran La Geliyey
“Lama Oga Biyaha Ku Jira Geed-deeble..” Madaxweyne Biixi
Dibadbax Lagu Dalbanayo In Talisku Talada Ka Tago Oo Ka Socda Lebanon
Somaliland: Garsooreyaal Caan Ah Oo Xilka Laga Qaaday (Digreeto)

Hargeysa, (HCTV) –Afhayeenka xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Barkhad Jaamac Batoon ayaa ka hadlay aragtida xisbiga Waddani ee ku saabsan Doorashada Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Somaliland loo doortay inuu noqdo Cabdirashiid Riyo-raac ayaa.

Waxaanu Sheegay Afhayeenku in maanta aanay taagnayn doorasho, gudoomiye komishan iyo arin kale ee qaranimadii Somailand ay khatar ku jirto, dakuna uu u baahan yahay badbaado qaran, sida uu hadalka u dhigay afhayeenku.

Barkhad Jaamac Batuun oo la hadlay Wariye Xasan Galaydh oo ka tirsan Telefishanka HCTV ayaa waxa uu yidhi “Xaaladda Somaliland ma marayso xisbiyoow maxaad qabtaaye, bahashanina Komishana ma taagna, Doorashana ma taagna, Dimuqraadiyadd ma taagna, xisbiyo ma taagna, waar jiritaankiii qaranimada Somaliland ayay jirideedii goynayaan kooxdan Kulmiye, markaa masiirkii ummaddani 30-ka sano soo dhaqaysay ee intaa aan kuu sheegay lahaa ayaa khalkhal ku jira, markaa talao qaran iyo badbaado qaran ayay maanta taagan tahay,” ayuu yidhi Afhayeenka xisbiga Waddani Barkhad Jaamac Batuun.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.

COMMENTS

%d bloggers like this: