58 Tahriibayaal Ah Oo Ku Dhintay Badda Atlantic-ga

58 Tahriibayaal Ah Oo Ku Dhintay Badda Atlantic-ga

Afrika: Madaxweyne Hore Walaalkii, Sirdoon Iyo Hoggaamiye Xisbi Oo Lagu Xukumay Min 15 Sano Oo Xadhig Ah
“Qaybtii Barriga Iyo Buuxintii Dekedu Way Dhamaatay” Maareeyaha Dekeda Berbera
Kulan Lagaga Hadlayo Nuclear-ka Iran Oo Ka Furmay Vienna
Cali Khaliif Galaydh Oo Berri Muqdisho Tagaya
Pakistan Oo Sheegtay Inay Hawadeeda Ka Xidhanayso Diyaaradaha India Ee Isticmaala

Mauritania (HCTV) – Inta la ogyahay 58 Tahriibayaal ah oo ay ku jiraan dumar iyo Carruur ah ayaa ku  dhintay bad-weynta Atlantic-ga.

Tahriibayaashan ayaa waxa Doontii ay la socdeen kula degtay Bad-weynta Atlantic-ga, gaar ahaan gudaha biyaha badda ee Dalka Galbeedka Afrika ku yaalla ee Mauritania.

Sidaana waxa xaqiijiyey Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Muhaajiriinta, sida ay baahisay Al-jazeera oo HCTV uu Warkan ka soo xigtay.

Doontan Degtay oo sidday Dad ka badan 150 Qof ayaa Shidaalkeedu aad u yaraa, ka hor inta aanay ku degin Biyaha badda Atlantic-ga ee Dalka Mauritania, sida laga soo xigtay Hay’adda IOM.

Hay’adda IOM waxay sheegtay in Dawladda Mauritani ay gurmad ka geysatay Samato-bixinta Dadka Doonto la degtay isla-markaana Dadkii la bedbaadiyey la geeyay Magaalada Xeebta ku taalla  ee Nouadhibou

Dadka bedbaaday ayaa sheegay in doonto ay 27-kii bishii hore ee November ka soo kicitintay Dalka Gambia.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka

COMMENTS

%d bloggers like this: