Somaliland: Golaha Guurtida Oo Fasax Laba Bilood Ah Galay

Somaliland: Golaha Guurtida Oo Fasax Laba Bilood Ah Galay

Xasuuq Ka Dhacay Dalka Maali
Dowladd Deegaanka Soomaalida Ethiopia Oo Tababaraya Ciidan Kumaandoos Ah
Madaxweynaha Somaliland Oo Safar Ugu Baxay Imaaraadka Carabta
BARNAAMIJ : Habka Cusub ee Geel Dhaqashada.
Gudoomiyaha Bangiga Somaliland Oo Ka Hadlay Jaangoynta Sarifka Iyo Hoos U Dhac Ku Yimid Dollar-ka

“Duufaanku Inaga Barwaaqo Ayuu Inoo Ahaa, Meelna Dhibaato Lagama Soo Sheegin, Illaahay Mahadii Weeyaan, Caanuhu Malaha Meelwalba Waa Yaaliin, Meel Waliba Waa Doog, Dee Soo Arka Reerihii,” Saleebaan Maxamuud Aadan

Hargeysa, (HCTV) – Golaha Guurtida Somaliland ayaa fadhi ay maanta yeesheen oo uu shir-gudoominayey Saleebaan Maxamuud Aadan, Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland ayaa sheegay in Golaha Guurtidu ay galeen fasax laba bilood ah.

Xildhibaanada Golaha Guurtida ayuu dhamaaday kalfadhigoodii 70aad waxaanu gudoomiyaha Guurtidu uu ku wargaliyey Xildhibaanada in bisha February 7-deeda la soo noqon doono, waxaanu yidhi gudoomiyaha golaha Guuritda Saleebaan Maxamuud Aadan oo halkaasi ka hadlay “Waxaynu gaadhnay wakhtigii aynu golaha xidhi lahayn. Sanad barwaaqo weeyi, duufaanku inaga barwaaqo ayuu inoo ahaa, meelna dhibaato lagama soo sheegin, illaahay mahadii weeyaan, caanuhu malaha meelwalba waa yaaliin, meel waliba waa doog, dee soo arka reerihii, lasoo caano dhama ka warkeena. Hadii ilaahay ina gaadhsiiyo inagoo war hayna aynu kalfadhiga dambe halkan aynu furano oo aynu isugu nimaadno.

Maanta bishu waa December 7, bisha February 7-deeda ayaa la soo noqonayaa, hadii alle yidhaahdo laba bilood oo gaw ah weeyi.” Ayuu yidhi Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.

COMMENTS

%d bloggers like this: