Erdogan Oo Ku Dhawaaqay Qorshe Uu Ciidamo Ugu Dirayo Liibiya

Ankara, (HCTV) – Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku dhawaaqay inuu ciidamo milatari uu u dirayo dalkan Libya oo ku yaala waqooyiga Afrika si ay u taageeraan dawladda la aqoonsan yahay ee taagta daran.

Madaxweyne Erdogan ayuu dhawaaqani ka soo baxay maanta oo Khamiis ah, kaas oo sheegay in ciidamadan Turkiga ah ee loo diri doono dalka Libya la horgayn doono Baarlamaanka dalkiisa bisha January ee fooda inagu soo haysa.

Sidoo kale qorshahan uu ku dhawaaqay Madaxweynaha dalka Turkigu ayaa ku soo beegmaya xili uu kulan la yeelanayey dhigiisa dalka dalka Tunisia, Kais Saied, oo ay booqasho cajiib ah uu ku tagay caasimada Tunisia si ay uga wada-xaajoodaan sidii loo taageeri lahaa waxna loola qaban lahaa dalka ay jaarka yihiin ee Liibiya.

Erdogan waxa uu war-fidiyeenada uu u sheegay mar uu shir jaraa’id qabtay Arbacadii kaas oo sheegay inay wadahadal ka yeesheen sidii xabadjoojin loo dhexdhigi lahaa dhinacyada ku dagaalamaya Liibiya dibna loogu soo dabaali lahaa miiska wadahadalada.

Waxaana booqashadani ay imanaysa bil ka dib markii ay kulmeen masuuliyiinta dalalka Turkiga iyo Libya, oo uu horkacayey Raysal Wasaaraha dawladda la aqoonsan yahay ee Liibiya, Fayez al-Sarraj.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.