Ujeedada Socdaal Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Ku Tagay Saylac

Ujeedada Socdaal Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Ku Tagay Saylac

Garoowe: Gudiga Amniga ayaa soo saaray Amaro Looga Hortagayo Hubka sharci darada
Berbera : Maamulka Dawladda hoose ayaa Shacabka ugu Baaqay inay Dhir beeris sameeyaan
Ciyaaryahanka Ozil Oo Guursaday Iyo Erdogan Oo U Mixiisay
Isreal Oo Hindiya Ka Caawinaysa Biyo Yarida Haysata
Saraakiil Da’yar oo la Wareegay Amniga Muqdisho.

Saylac, (HCTV) – Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ku guda jira Safarkii Kormeerka Mashaariicda Maamul daa-dejinta ee JPLG oo galay wajigii saddexaad ayaa safar shaqo ku tegay Magaalada Saylac ee Xarunta Gobolka Salel halkaasi oo waftiga Madaxweyne ku xigeenka si balaadhan loogu soo dhaweeyey.

Waftiga ayaa maray Deeganaada Qolujeed, Boon, Xariirad, Jidhi, Ceelgaal, Caasha caddo iyo Toqoshi oo uu waftiga Madaxweyne ku xigeenku mareen ayaa lagu soo dhaweeyey sidoo kalena waxa uu Madaxweyne ku xigeenku kormeeray mashaariic horumarineed oo laga fuliyey deegamadaasi xadhigana ka jaray dhismayaal cusub sidoo kalena uu dhagax dhigay kuwo kale.

Ugu danbayntiina Waftiga Madaxweyne ku xigeenku hoggaaminayo ayaa gaadhay Magaalada Saylac ee xarunta Gobolka Salel, halkaasi uu madaxweyne ku xigeenku kulan kula qaadan doono masuuliyiin heer gobol iyo heer degmo, waxaana uu Madaxweyne ku xigeenku mudada uu joogo uu u kuurgeli doonaa xaalada guud ee gobolkaasi.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.

COMMENTS

%d bloggers like this: