Australia: Shiishyahanno La Amray Inay Laayaan 10,000 Geel Ah!

Canberra, (HCTV) – Dawladda Australia ayaa amartay in la laayo 10,000 (10 kun) oo neef oo Geel ah oo ku nool kaymaha dalkaasi, sida lagu sheegay warbixin uu daabacya wargeyska The Australia.

Dawladda ayaa amarkan ku sababaysay in Geelaasi uu dhibaato ku hayo bulshooyinka ku dhaqan deegaanada fogfog ee dalka, kadib markii abaar ba’ani ay ka dhacday qaybo ka mid ah wadankaasi.

Shiishyahanno shaqo ka helay dawladda Australia ayaa Arbacada bilaabaya toogasho ay Geelaasi ku laynayaan.

Qaar ka mid ah bulshooyinka dalkaasi ku dhaqan ayaa ka cadhooday laynta la amray Geelaasi in la sameeyo, iyagoo ku doodaya inuu Geelu sharaf ku leeyahay diinta ay rumaysan yihiin sidaasi awgeedna ay tahay in aan tallaabadaasi la qaadin.

Dalka Australia waxa todobaadkii lasoo dhaafay ka holcay dab xoog leh, dabkaasi oo baabiiyay dhir iyo xayawaano aad u badan.

W/Q C.Shakuur Dayib.