DP World Oo Jabuuti Kaga Guulaysatay Dhegaysigii U Dambeeyay Ee Dacwaddooda Ka Socota London

DP World Oo Jabuuti Kaga Guulaysatay Dhegaysigii U Dambeeyay Ee Dacwaddooda Ka Socota London

Maxaa Ka Soo Kordhay Weerarkii Saaka Ee Srilanka ?
Deg-deg: Somaliland Oo Ka Hadashay Weerar Lagu Qaaday Badhasaabkeeda Badhan
Trump Oo Weerarkii Ugu Cuslaa Ku Qaaday Ilhaan Cumar
Maraykanka Oo Dalkiisa Ka Mabnuucay Taliyihii Sirdoonka Suudaan
London: Darbi Jiif La Gubay Iyagoo Hurda

London (HCTV) – Shirkadda DP World ayaa ku guuleysatay dhegaysigii u dambeeyay ee dacwadda u dhaxaysa Dawladda Jamhuuriyadda, Dacwaddaasi oo ku saabsan Dekedda Doraleh ee Dalka Jabuuti oo DP World Maalgelisay, balse Maamulkeeda ay Jabuuti kala wareegtay.

Maxkamadda Xallinta Khilaafaadka Caalamiga ah ee London ayaa amartay in Jabuuti soo celiso xuquuqaha iyo faa’iidooyinka iyada oo la raacayo heshiiskii 2006 ee DP World iyo Dawladda Jabuuti ee ku saabsanaa Dekedda Doraleh.

Maxkamaddu waxay sheegtay in Jabuuti looga baahan yahay inay soo celiso Xuquuqaha ka maqan DP World ama muddo 2 bilood gudahood ah DP World ku siiso magdhow u dhigma khasaaraha soo gaadhay.

Khabiir madax-bannaan ayaa ku qiyaasay khasaaraha shirkadda DP World in ka badan $ 1 bilyan, sida uu Maanta baahiyey Wargeyska Portstrategy oo ka warrama arrimaha la xidhiidha Dekedaha Caalamka.

Maxkamadda ayaa sheegtay in Jabuuti ay ku kacday arrin sharci darro ah markii ay si khasab ah uga saartay shirkadda DP World Maamulkii Dekedda Doraleh bishii February, 2018, laakiin Jabuuti way diidday arrintaasi.

Shirkadda DP World oo Maamulka Dekedda gacanta ku haysay illaa sannadkii 2006-dii, ayaa Dawladda Jabuuti ka wareejisay 22-ka bisha February ee sanadkii 2018-kii.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka

COMMENTS

%d bloggers like this: