Wararkii U Dambeeyay Dhul-Gariir Turkiga Ku Dilay 18 Qof (Akhri)

Turkey (HCTV) – Ugu yaraan 18 Qof ayaa ku dhintay Dhul-gariir ka dhacay Dalka Turkiga, kaasi oo sababay in Guryo badan dumaan.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Turkiga Sulaymaan Soylu ayaa sheegay in shan boqol oo qof oo kale ay dhul-gariirka ku dhaawacmeen.

Waxa uu sheegay in kooxaha gurmadka deg-degga ah ay baadi-goobayaan 30 qof oo ku xayiran burburka hoostiisa.

Dhul gariirka ayaa ku dhuftay bariga Turkiga 9-kii fiidnimo ee xilliga dalkaasi, waxaanu burburiyey dhismeyaal, waxaana la arkayey Dadka deegaankaasi oo u yaacaya Waddooyinka.

Boqollaal shaqaalaha Gurmadka Deg-degga ah ayaa lagu daabulay gudaha iyo Dibedda deegaankaasi.

Kooxaha Gurmadka deg-degga ah ayaa adeegsanaya cagaf-cagafyo, agabka korontada iyo xitaa gacmahoodo si ay u soo samata-bixiyaan dadka ku xayiran Guryaha burburay.

Dhul-gariirkan ayaa Cabbirkiisu ahaa 6.8 Magnitude.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka