Maraykanka Oo Ka Hadlay Doorashada Madaxweynaha Galmudug

Dhuusa-Mareeb, (HCTV) – Safaarada Maraykanka ee Somalia ayaa sheegtay in ay si dhow ula socdeen hanaanka siyaasada ee Galmudug, waxaanay tilmaantay in doorashada Galmudug ay tahay hanaan dib u heshiisiineed oo sal-balaadhan, waxaanay ugu baaqday cid kasta inay uga qaybqaadato si nabadgalyo ah.

War-saxaafadeedkan ka soo baxay Safaarada Maraykanku uu ku leeyahay Somalia ayaa ku soo beegmaya waxyar uun ka dib markii Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor loogu doortay magaalada Dhuusa-mareeb Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug.

Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor oo maalmihii ugu danbeeyayba si weyn loo hadal hayay guushiisa ayaa ugu danbeyntii loo doortay madaxweynaha Saddexaad ee dowlad gobolleedka Galmudug isaga oo helay codad gaaraya 66 cod.

Axmed Cabdullaah Samaatar oo ahaa musharixii ugu soo dhawaan ayaa helay 9 cod oo kaliya halka labada musharax kale ee soo haray ay kala hellaan mid hal cod.

Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug oo natiijada ku dhawaaqay ayaa shaaciyey in xilka madaxweynaha Galmudug uu ku guuleystay Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.

Doorashadan oo siweyn isha loogu hayay ayaa waxaa hareeyay khilaaf xoog leh oo u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo madaxda Ahlu Sunna Waljameeca oo dhinacooda madaxweyne toddobaadkii hore u doortay Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan.

Sidoo kale xildhibaannada ayaa guda -gali doona doorashada madaxweyne ku-xigeenka dowlad gobolleedka Galmudug.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.