Somaliland: Kalfadhigii 71aad Ee Golaha Guurtida Oo Si Rasmi Ah U Furmay

Hargeysa, (HCTV) – Kalfadhigii 71aad ee Golaha Guurtida ee Somaliland ayaa maanta si rasmi ah uga furmay xarunta Guurtidu ay ku leeyihiin magaalada Hargeysa, waxaana ka soo qaybgalay furitaankii kalfadhigan 56 xildhibaan.

Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan oo shir gudoominayey kalfadhigaasi 71aad ee maanta furmay kadib markii golahaasi ay ka soo noqdeen fasax ay ku jireen.

Gudoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa markii uu furmay kalfadhiga Guurtdu waxa uu kaga hadlay dhawr arimood oo ay ka mid yihiin dib u dhaca Doorashooyinka Wakiilada iyo Degaanka Somaliland.

“Bariga shishe arimahoodu ma qurux badna, maalin walba wuxuunbaa dhimanaya, haday sidaa ku sii socoto dee fiditaan ayaa xigaya, hadii aynaan ka hawlgalin, inay inagu fiddo Illaahay kama dhigo, laakiin inaynu ka hawlgalo waa inaynu ku darnaa.

Golahan Guurtida waxa waajib ku ah markaa inuu dhextago oo uu guddi iska saaro oo uu dhex tago oo uu isku soo jiidjiido, inaga iyo dawladdaba xilbaa inaga saaran,” ayuu yidhi Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan.

Gudoomiyaha Golaha Guurtida mar uu ka hadlayay arinta doorashada ayaa waxa uu yidhi “Doorashooyinkan laga qaylinayo, muddana waynu qabanay, hadana waa la qaylinayaa, qayladaasina meel qudha ayuunbay ka socotaayoo, waxa weeyi asxaabtaa iyagu inagu buunbuuninaya, Asxaabta waxaanu leenahay ha la aqbalo, doorashada mudaa loo qabtay, mudadii loo qaybtay baanay ku dhacaysaa, waanaynu ka qaybgalaynaa.

Markaa khilaafka ayuunbay kordhisaa hadii la hadal hayo uun, wax mudadii iska badalayaana ma jiraan, waxa se anigu aan qabaa hadii mudadaa lagu qabto oo aynu ku qaban karno oo waliba ragga ka masuulka ah doorashada ay inagala qayb galaan, oo hadalkana ay yareeyaan doorashadana loo dhaqaaqo waa la qaban karaa. Hadii kale way inala jiitami uun, aynu sidaa ku hawlgalno inaguna, allena ha inala qabto,” ayuu yidhi Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.