Safiirkii Dhidibada U Taagay Xidhiidhka Kenya Iyo Koonfurta Sudan Oo Juba Ku Geeriyooday

Juba, (HCTV) – Safiirkii dawladda Kenya u fadhiyey dalka Koonfurta Sudan Chris Mburu ayaa ku geeriyooday gurigii uu ka daganaa caasimada Juba maanta oo Axad ah sida ay xaqiijisay Wasaarada Arimaha Dibadu.

Mr Mburu, ayaa hore u ahaa Agaasimaha hay’adda Mukhaabaraadka ee the National Intelligence Service (NIS), waxaana fariin tacsi ah u diray Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta geerida ku timid Ambassador Mburu.

Ninkan geeriyooday ayaa ahaa diblomaasi ruug-cadaa ah, kaas oo door weyn ka qaatay xoojinta iyo dhismaha xidhiidh laba geesood ah oo dhexmara Nairobi iyo Juba.

“Waxa naga baxay Nin si weyn ugu adeega qarankiisa. Tan iyo markii loo magacaabay Wakiilka Juba, Danjire Mburu wuxuu si adag uga shaqeeyey hubinta qulqulka ganacsiga iyo maalgashiga u dhexeeya Kenya iyo Koonfurta Suudaan, ”ayuu yidhi Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo qoraal tacsi ah soo saaray.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.