Dhul-Gariir Ka Dhacay Turkiga Oo Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac

Dhul-Gariir Ka Dhacay Turkiga Oo Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac

Ururka La Dagaalanka Qabyaalada Ayaa Deeq Qalabka Sportiga Ku Wareejiyay Dhalinyarada Baligubadle
Dowladd Deegaanka Soomaalida Ethiopia Oo Tababaraya Ciidan Kumaandoos Ah
Puntland Oo Wada-hadallo Diyaar Ula Ah Somaliland (Akhri)
Maraykanka Oo Xaalad Deg-deg Ah Lagu Soo Rogay
Ujeedada Socdaal Madaxweynaha Somalia Uu Ku Tagay Dalka Kenya

Turkey (HCTV) Ugu Yaraan 7 Qof ayaa ku geeriyooday, 5 kalena way ku dhaawacmeen Dhul-gariir ka dhacay Gobolka Xuduudka ku yaalla ee Van.

Dhul-gariirkan ayaa ka dhacay Axadda Maanta, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha gudaha ee Turkiga.

Dhul-gariirkan oo Cabbirkiisa lagu sheegay 5.7 Higtar ayaa ka dhacay Gobolka Van ee Turkiga, kaasi oo saaran xuduudka IRAN.

Telefiishanka Turkiga ee TRT ayaa sheegay in Dhul-gariirku uu dhibaato soo gaadhsiiyey illaa 43 Tuulo oo Turkiga, kaasi oo leh Taariikh dhul-gariiro ah.

Telefiishanku waxa kale oo uu sheegay in Kooxaha Gurmadku ay gaadheen deegaannada uu dhibaateeyay Dhul-gariirkani, meelahaasi oo ay ku jirto Caasimadda Gobolka Van oo la sheegay in dhul-gariirku dumiyey guryo.

Dhul-gariirkan ayaa imanaya bil ka dib, markii dhul-gariir ka dhacay isla Dalka Turkigu uu dilay Dad gaadhaya 40.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka

COMMENTS

%d bloggers like this: