Kenya Oo Dhinac Iskaga Leexisay Eedo Uga Yimid Dowladda Soomaaliya

Nairobi, (HCTV) – Dowladda Kenya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamtay eedeyn dhawaan uga timid dowladda Soomaaliya oo sheegtay in dawladda Kenya ay fara-galin ku hayso Qarannimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.

Kenya ayaa sheegtay in eedeyntaasi tahay mid aanay waxba ka jirin oo la doonayo in bulshada lagu marin habaabiyo, iyadoo lagu qarinayo hormar la’aanta dhinacyada badan iyo guul darrada siyaasadeed ee Dowladda hadda jirta Somalia.

Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Abuukar Daahir  Cismaa ayaa Jimcihii la soo dhaafay sheegay in dowlada  Soomaaliya ay qorsheyneyso in si rasmi ah cabasho ka dhan dowada Kenya u  gudbiso golaha ammaanka.

Laakiin Kenya waxaa ay sheegtay in eedeyntaasi tahay mid la doonayo oo kaliya mid muuqaalkeeda lagu xumeynayo islamarkaana wax loogu dhimayo Dowladda Soomaaliya ka leedahay dano kale oo siyaasadeed.

Ma’aha markii ugu horreysay oo ay dowladda Soomaaliya sidan oo kale eedeymo ugu jeediso dowladda Kenya, iyadoo mar walbana dowladda Kenya eedeymahaasi ku tilmaameysay kuwo aan waxba ka jirin.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.