Somaliland: Beelaha Bariga Iyo Galbeedka Burco Oo Is Laab-xaadhanaya

Hargeysa (HCTV) – Hoggaanka Madax-dhaqameedka Beelaha Habar Jeclo iyo Gar-xajis ayaa shaaciyey inuu 15-ka bishan Magaalada Burco ka qabsoomayo Shir dhaqameed u dhexeeya labadaa beelood.

Shirkan oo ay Gogoshiisa fidisay Beesha Habar Jeclo ayaa waxa muddo uu qabsoomayo iyo ujeeddada laga leeyahay shaaciyey Suldaanka guud ee Beesha Habar Jeclo Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cali, kaasi oo Saxaafadda kula hadlay Hargeysa oo odayaasha labada dhinac kaga wada-hadleen diyaar-garowga Shirkaasi.

Suldaan Cabdillaahi wuxuu sheegay in Shirkani aanu lug ku lahayn Siyaasad, balse uu yahay mid dhaqan oo labada beelood isku Laab-xaadhayaan, waxaanu yidhi “Shirkani waa shir Beeleed, waa Shir dhaqan, shir siyaasad Shaqo ku leh maaha, waxay ka wada-hadlayaan (Labada Beelood) wixii ay gudahooda ay kala tirsanayeen, dhaqaalahooda iyo wanaag-faristooda iyo siday Dhulkooda u dhisan lahaayeen, markaa waa Shir Walaalnimo iyo Laab-xaadhasho..”

Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar oo ka mid ah Madax-dhaqameedka waaweyn ee Beesha Gar-xajis oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Munaasibaddan aanu isugu nimid waxaanu isla qaadanay in Shirkii dhowr jeer oo horena aanu muddaynay uu noqdo bishan 15-keeda, haddii Allaah yidhaahdo, Madashuna ay Burco noqoto..”

 

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka