Guddoomiye Xisbiga Waddani Oo Magacaabay Guddi Cusub

Hargeysa, (HCTV) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Dr, Cabdiraxmaan Maxamed cabdillahi Cirro, ayaa Magaacabay Guddiga kala xulista murashaxiinta golaha wakiilada iyo golaha deegaanka ee doorashada 2020 ee Xisbiga Waddani.

Guddoomiye Cirro ayaa saddex iyo toban xubnood u magacaabay guddigaasi oo soo xuli doona murashaxiinta u tartamaaya Xisbiga Waddani , waxaanu guddoomiye uga dhigay , Xildhibaan Cabdiqaadir X. Ismaaciil Jirde Waxaana sidaa lagu sheegay War-saxafeed kasoo baxay Xisbiga oo udhignaa sidan hoose:

“ Markii aan darsay : qodobka 30 farqadiisa 6aad ee xeerka Xisbiga ,markii ay ii muuqatay in dardargeliyo hawlaha u diyaar garowga doorashada. Markii aan tix geliyey hashiiska siyaasiga ee xisbiyada qaranka .markii ay isoo baxday baahida loo qabo in la dhiso guddiga kala xulista.

Maanta oo ay taariikhdu tahay 11 bisha saddexaad ee sannadka 2020 , waxa aan go’aamiyey in aan magacaabo guddiga kala xulista murashaxiinta wakiilada iyo golaha deegaanka ee doorashada 2020.

1: Xildhibaan Cabdiqaadir X Ismaaciil Jirde  guddoomiye

2: Xirsi Cali Xaaji Xasan                               Xubin

3: Cabdirisaaq Khaliif Axmed                         Xubin

4: Maxamed Cali Aw Cabdi                            Xubin

5: Khadar Xuseen Cabdi                                Xubin

6: Saleebaan Ducaale X. Jaamac                   Xubin

7: Jaamal Jaamac Xaamuud                          Xubin

8: Xil. Abubakar Cabdiraxmaan                      Xubin

9: Cabdalla Maxamed Carab                          Xubin

10: Foosiya Kayse Faarax                            Xubin

11: Axmed X. Cabdilaahi Xamarji                  Xubin

12: Cali Cabdi Saayiq                                   Xubin

13: Bashiir Cabdi Xariir                                 Xubin “