Golaha Dhexe Ee Xisbiga UCID Oo Loo Magacaabay Xoghaye Cusub

Hargeysa (HCTV) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa Xoghaye cusub u Magacaabay Golaha dhexe ee Xisbigaasi, ka dib markii uu iscasilay Xoghayihii hore ee xisbigaasi, Jiir Cali Madoobe.

Guddoomiyaha UCID ayaa Xoghayaha cusub ee Golaha dhexe ee Xisbiga UCID u Magacaabay Masuul Magaciisu yahay Muxyadiin Cabdiraxmaan Cali.

Sidaana waxa lagu shaaciyey Wareegto uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Xisbiga UCID, taasi oo soo gaadhay Xafiiska Telefiishanka Horn Cable Tv.

 

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka