Tirada Maxaabiista La Sheegay In Uu Madaxweynaha Somaliland Uu Sii Daynayo

Tirada Maxaabiista La Sheegay In Uu Madaxweynaha Somaliland Uu Sii Daynayo

Soomaaliya: Dad Ku Xidhnaa IRAN Oo Dalka Dib Loogu Soo Celiyey
Trump Oo Khudbad Uu Jeediyey Ku Cambaareeyey Cunsuriyada Iyo Saraynta Cadaanka Dalkiisa
Masuuliyiinta Waddani Oo La Filayo In Goor Dhaw Xabsiga Laga Soo Daayo
Xarunta Xuquuqal Insaaka Oo Walaac Ka Muujisay Dad Xoog Lagaga Saaray Dhul Madaxtooyo Loo Qoondeeyey
Madaxtooyada Oo ka Hadashay Xadhigga Xildhibaan Dhakool

Hargeysa (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa la sheegay inuu warqad ku saabsan cafiska 800 oo maxbuus u gudbiyey Hay’addaha Garsoorka, sida Xeer-ilaalinta, Wasaaradda Cadaaladda iyo Ciidanka Asluubta, si ay uga soo talo bixiyaan maxaabista cafiska loo fidinayo iyo maxbuus walba wuxuu ku xidhan yahay, si looga taxadiro xanuunka dunida aadka ugu faafay ee coronavirus.

Ilo-wareedyo ayaa Wargeyska Geeska Afrika u khajiiyey warqaddan Madaxweynuhu uu cafiska ugu fidinayo Maxaabiista, isla-markaana waxaa la sheegay inay warqadan uu Madaxweynuhu ku amray in aan cafis u fidin maxaabiista u xidhxidhan kiisaska cul-culus sida Maxaabiista u xidhan ka ganacsiga khamriga, budhcad-badeeda, argagaxisada, kufsiga iyo dilalka iyo kiisaska la midka ah.

Dhinaca kale, waxaa Wargeyska Geeska Afrika loo khajiiyey in Ciidanka Asluubtu uu khamiistii u gudbiyey Xeer-ilaalinta iyo Wasaaradda Cadaalada liiska Maxaabiista la filayo inuu Madaxweynuhu cafiska u fidiyo, iyo maxbuus kastaaba wuxuu u xidhan yahay, waxaana la filayaa in ilaa maanta ilaa beri uu Madaxweynuhu cafis u fidiyo 800 oo maxbuus oo ku kala xidhan jeelasha iyo xabsiyada kala duwan ee dalka.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka

Xigasho: Geeska Afrika

COMMENTS

%d bloggers like this: