Madaxweyne Biixi Oo Saxeexay Dhaqan-Gelinta Wax Ka Bedelka Iyo Kaabista Xeerka Isgaadhsiinta

Hargeysa (HCTV) – Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay inuu saxeexay wax ka bedelka iyo kaabista ay goleyaasha Baarlamaanku ku sameeyeen xeerka isgaadhsiinta ee dalka.

Ma jiro war rasmi ah oo ay madaxtooyadu ku xaqiijisay in Madaxweyne Biixi saxeexay xeerkan, laakiin warar xogogaala oo uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in Madaxweyne Biixi uu dhawaan saxeexay wax ka bedelka iyo kaabista lagu sameeyay xeerkaas, waxaanu saxeexa Madaxweynaha ka dib xeerku noqonayaa mid dhaqan gal ah.

Goleyaasha guurtida iyo wakiilada ayaa horaantii bishan March waxay cod aqlabiyad ah ku meelmariyeen in wax ka bedel iyo kaabis lagu sameeyo xeerka isgaadhsiinta golaha wakiilada, waxaanu isbedelkani meesha ka saarayaa heshiis ay xukuumaddii hore ee Madaxweyne Siilaanyo la gashay shirkadda SOM Cable oo ay golaha wakiiladuna ansixiyeen.

Wax ka beddelkan uu Madaxweyne Biixi imika saxeexay ayaa wuxuu meesha ka saarayaa xeerkii hore ee xeer Lr. 50/2011.”

Madaxweyne Siilaanyoy ayaa bishii Jullaay ee sannadkii 2011 wuxuu isaguna  digreeto ku dhaqan geliyay xeerka Isgaadhsiinta dalka oo ay markaas ansixiyeen labada gole Baarlamaan.

Si kastaba ha ahaatee, sagaal sannadood ka dib 2011-2020 waxa meesha ka  baxay heshiiskii dhex maray xukuumaddii hore iyo shirkadda SOM Cable.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka

Xigasho: Geeska Afrika