FAO: Coronavirus Oo Carqaladeeyey Dagaalkii Ayaxa Ee Dalalka Bariga Afrika

FAO: Coronavirus Oo Carqaladeeyey Dagaalkii Ayaxa Ee Dalalka Bariga Afrika

Guddoomiyaha Wakiilada oo Raali gelin Siiyay Dahabshiil
“18-ka May Uma Naqaano Maalin Qaran..” Mudane Reer SOOL Ah
Meydka Eng. Yariisoow Oo La Keenay Muqdisho
Dubai Oo Qaaday Olole Ka Dhan Ah Dawarsiga, Soona Qabatay Nin Bishii Ka Sameeya Dh100,000
Xogo Dheeraad Ah Oo Laga Helay Haweenay U Dhalatay Itoobiya Oo Ka Timid Burco Kuna Socotay Jigjiga Oo Lagu Arkay Calaamadaha Covid_19

Hargeysa, (HCTV) – Xanuunka Coronavirus ee sida aadka ah ugu fiday dalalka aduunka ayaa carqaladeeyey dedaaladii lagula dagaalamayey Ayaxa, waxaana joojinta Duulimaadyada ee uu keenay Coronavirus sababtay inuu dib u dhac ku yimaado suntii lagula dagaalamayey Ayaxa iyo cayayaanka kaleba.

Madaxa hay’adda Beeraha iyo Raashinka ee FAO, Mr Cyril Ferrand ayaa u sheegay Wakaalada Wararka ee Reuters “Hadii aanu ku guuldaraysano wakhti xaadirkan hawlaha la dagaalanka Ayaxa, oo ay sababayso dawada lagula dagaalamayo oo aananu hayn, waxa jiri doonta in tiro ka badan Afar Milyan oo qof ay halgan u galaan sidii qoyaskooda ay u quudin lahaayeen,” sidaasi ayuu yidhi Ferrand.

Tirada Ayaxa ayaa korodhay dabayaaqadii sanadkii hore, waxaana dilaacay Koron-korkii, kadib markii ay caawisay cimilada isbadashay.

Ayaxa dalalka Bariga Afrika ayaa saamayn ku yeeshay wax soo saarkii dhinaca dalaga beeraha ee dalalka Somalia, Kenya Iyo Ethiopia.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.

COMMENTS

%d bloggers like this: