Covid_19 Oo 24-Kii Saacadood Ee U Dambeeyay Maraykanka Ku Dilay 1,400 Qof

USA (HCTV) – Madaxweynaha waddanka Mareykanka, Donald Trump, ayaa waxa uu dadka dalkiisa uga digay inay isu diyaariyaan sare u kac ku yimaadda dhimashada ka dhalanaysa cudurka coronavirus, isagoo sheegay in Mareykanku uu waajahayo labadii toddobaad ee ugu adkeyd ee cudurkan safmarka ah.

Mr Trump ayaa waxa uu ku dhawaaqay in magaalada New York loo daadgureynayo kun ka mid ah howlwadeennada caafimaadka ah ee ciidammada milateriga, magaaladaas oo uu fara ba’an ku hayo cudurkaasi.

Isagoo ka hadlayay Aqalka Cad ee looga arrimiyo waddankaasi Mareykanka ayuu Mr Trump waxa uu sidoo kale sheegay in xukuumaddiisa ay amartay in la sameeyo 180 milyan oo waxlaha afka lagu xidho ah.

Hadalka Madaxweynaha ayaa ka dambeeyay markii 24-kii Saacadood ee u dambeeyay u Xanuunka Covid_19 uu Maraykanka ku dilay 1,427 Qof.

Mareykanka ayaa waxaa laga xaqiijiyay 300,000 oo kiis oo fayraska Corona ah, halka dhimashaduna ay kor u dhaaftay 8,000 oo qof.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka