Eritrea Oo Loogu Baaqay Inay Siidayso Maxaabiista, Cabsida Laga Qabo Covid_19 Awgeed

Eritrea (HCTV) – Hay’adaha u dooda xuquuqda aadamaha ayaa Dawladda Eritrea ugu baaqay inay si deg-deg ah oo aan shuruudi ku xidhnayn u siidayso Maxaabiista Siyaasadeed ee ku jira Xabsiyada dalkaasi.

Hay’adaha xuquuqda Aadamaha ayaa Baaqan ku sheegay inuu qayb ka yahay dedaallada loogu diyaar-garoobayo in Maxaabiista laga samato-bixiyo inuu Xabsiyada ku dhex Haleelo Xanuunka Covid_19.

War-saxaafadeed ay Jimcihii soo saartay Hay’adda Amnesty International ayay ku sheegtay in Xabsiyada ay Maxaabiistu ka buuxaan ay tahay Fursad uu ku faafi karo Xanuunku, sidaasi darteed loo baahan yahay in la siidaayo Maxaabiista badan ee Siyaasadda ugu xidhan Jeelasha Eritrea.

Hay’addan Fadhigeedu yahay Ingiriiska ayaa sheegtay inay Eritrea caan ku tahay Xadhigga Dadka iyadoo Guryaha lagala baxayo, iyadoo Hay’addu si gaar ah uga hadashay Kiiska Gabadh Magaceeda lagu sheegay Ciham Ali Ahmed oo 23 jir ah.

Gabadhan ayaa 8 Sanadood lagu hayey Xabsi, ka dib markii la qabtay iyadoo doonaysa inay dalka ka baxdo, iyadoo Markaa ahayd 15 jir.

Gabadhan ayaan illaa markii la xidhay aan loo ogolayn Looyarkeeda iyo Xubnaha qoyskeeda mid, sida Amnesty sheegtayna Qoyskeedu xitaa ma sheegi karaan halka lagu hayo iyo Xaaladdeeda Caafimaad midna.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka