Wax Soo-saarkii Shidaalka Adduunka Oo Laga dhimay 10 Milyan Oo Barmiil Maalintii

Hargeysa (HCTV) – Wadamada soo saara Shidaalka ayaa waxay ku heshiyeen in la dhimo wax soo saarka dhanka Shidaalka, taasi oo ah dedaal lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka dhanka qiimaha ah ee ka dhex qarxay Sacuudiga iyo Ruushka.

Waddamada ururka ay ku bahoobeen dalalka soo soo saara shidaalka ee OPEC iyo dalalka kale ee shidaalka dhoofiya ayaa waxay dhimayaan 10 milyan oo barmiil maalinkii.

Tan iyo horaantii bishii March, qiimaha shidaalka ayaa waxaa ku yimid hoos u dhicii ugu wayn ku dhawaad muddo 20 sano ah, waxaana arintan loo aaneyay cudurka Corona.

Waa hoos u dhigiddii ugu waynayd ebed ee wax soo saraka shidaalka caalamka hoose loo dhigo si qiimaha uu sare ugu kaco.

Heshiiiskan ayaa waxaa imika soo dhaweeyay hoggaamiyayaasha caalamka oo qaarkood ku tilmaamay heshiis wayn.

Isniintii, dalalka Eeshiya waxaa Foostadii shidaalka ah ay hoos u dhacday in ka badan $1.

Waxaa aad hoos ugu dhacay isticmaalka shidaalka saddex meelood hal meel ka dib markii in ka badan 3 bilyan oo qof lagu amray in ayna guriyahooda ka soo baxayn sababo la xidhiidha cudurka Corona.

Waxaa xaaladda sii adkeeyay ka dib markii Sacuudiga iyo Ruushka uu ka dhex qarxay dagaalka dhanka Shidaalka ah taasi oo sababtay hoos u dhici ugu wayn muddo 20 sano ah.  Balse waxaa markii dambe soo dhex galay madaxwayne Trump oo ku baaqay in la soo afjaro khilaafka labada dal ee ugu soo wax soo saarka badan dhanka shidaalka.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka