Soomaaliya: Wasiir Geeriyooday Oo Saddex Maalmood Loo Baroor-diiqayo

Hindiya (HCTV) – Allaah ha u naxariistee, waxa xalay Dalka Hindiya ku Geeriyooday Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada ee Maamul-gobolleedka Jubbaland, Macalin Maxamed Ibraahim Maxamuud.

Wasiirka oo la sheegay inuu Afartii bilood ee u dambeeyay uu ku jiray Cisbitaal ku yaalla Dalka Hindiya ayaa Xalay halkaasi ku Geeriyooday.

Wasiirka Geeriyooday ayaa waxa Shacabka Jubbaland iyo Ehelkiisii ka tacsiyadeeyay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed-madoobe), waxaanu ku sifeeyay Masuul wax badan ka soo qabtay Aasaaskii Maamulka Jubbaland iyo Horumarinta Waxbarashada Maamulkaasi.

Madaxweynuhu wuxuu Allaah uga baryey inuu Naxariistii janno ka waraabiyo, Ehelkiisana uu Samir iyo iimaan ka siiyo.

Ugu dambayn, Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Wasiirka geeriyooday Saddex Maalmood loo Baroor-diiqayo, Buugga Tacsidana la dhigi doono Xarunta Wasaaradda Waxbarashada, isagoo Madaxweynuhu sheegay in Wasiirka Geeriyooday loogu Magac dari doono Meel Munaasibad ku ah.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka