Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee SOLJA Oo Kulan Aqoon Korodhsi Ah U Qabtay Qaar Ka Mid Ah Saxafiyiinta.

Hargeysa, (HCTV) -Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee SOLJA ayaa kulan aqoon korodhsi ah u qabtay qaar ka mid ah Saxafiyiinta ka hawlgasha magaalada Hargeysa.

Tobabarkan ayaa ku Saabsanaa sida ugu fiican ee loo adeegsado Warbaahinta Casriga ah ee Digital Media oo loo qabtay suxufiyiinta Hargeysa, waxaanay masuuliyiinta Ururka Suxufiyiinta Somaliland oo hadalo ka jeediyey kulankaasi ay usoo jeediyeen Suxufiyiinta tababarka la siinayo in ay ka faa’iidaystaan mudada uu socdo.