Badhasaabkii Gobolka Togdheer Oo Geeriyooday Iyo Madaxweyne Biixi Oo Tacsi U Diray

Hargeysa (HCTV) – Allaah ha u naxariistee, waxa Xalay dalka dibeddiisa ku Geeriyooday Badhasaabkii Gobolka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi (Walaaleeye), kaasi oo Maalmihii u dambeeyay Xanuunsanayey.

Marxuumka oo Maalmihii u dambeeyay Xaaladdiisa Caafimaad lagula tacaalayey Cisbitaal ku yaalla Magaalada Hargeysa, ayaa Shalay Diyaarad gaar ah lagaga qaaday Magaalada Hargeysa, si dalka dibeddiisa loogu soo daaweeyo, hase-yeeshee waxa u yimid xaqa oo wuu Geeriyooday.

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Geerida Badhasaabkii Gobolka Togdheer ka Tacsiyadeeyay Shacabka reer Somaliland.

Dhambaal Tacsi ah oo Afhayeenka Madaxweynuhu soo saaray ayaa u qornaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, gaar ahaan Gobolka Togdheer ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Gudoomiyihii Gobolka Togdheer Marxuum Xamse Maxamed Cabdi oo ku geeriyooday caawa oo ay taariikhdu tahay 06/07/2020, dalka dibediisa oo isla Maanta loo qaaday dalka Turkiga.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey masuul hawlkar ah oo xilal ka soo qabtay xukuumadihii kala danbeeyey, tilmaan iyo hiigsina u ahaa da’a yarta dalka, kuna suntanaa daacadnimo iyo dedaal.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.”

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.