Qodobo Laga Soo Saaray Shir Boorama Ay Ku Yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Ee Awdal Iyo Odayaasha Dhaqanku

Qodobo Laga Soo Saaray Shir Boorama Ay Ku Yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Ee Awdal Iyo Odayaasha Dhaqanku

Nin U Dhashay Ingiriiska Oo La Hor Keenay Maxkamadda Gobolka Banaadir
Wasiirka Difaaca Oo Booqday Cisbitaal Ciidammada Looga Dhisayo Hargeysa
Madaxweynaha Somaliland Oo Xadhiga Ka Jaray Qalab Dekedda Berbera Loo Keenay
Maayarka Mexico City Oo Meesha Ka Saaray Direys Gaar U Noqonaya Hablaha Iyo Wiilasha
Xarunta Xuquuqul Insaanka Somaliland Oo Sheegtay In Sannadkan Uu Kordhay Xadhiga Suxufiyiinta Iyo Rayidku

Boorama, (HCTV) – Shir magaalada Boorama ay ku yeesheen Xildhibaannada Baarlamaanka Somaliland u matala gobolka Awdal, Odayaasha dhaqanka ee gobolkaasi, Dhalinyarada iyo Aqoonyahanka ayaa qodobo ka soo saaray shirkaasi ay ku yeesheen magaalada Boorama.

Qodobada ka soo baxay shirkaasi oo uu madasha ka akhriyey Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar ayaa lagu sheegay in.

  1. In aanay saami qaybsi la’aan doorasho ka qabsoomayn gobolada galbeedka Somaliland.
  2. Inay ku guubaabiyeen dadka adkaynta amniga iyo in salmi ah loo raadsado saamiga ka maqan.
  3. Beesha caalamka oo looga digay in doorasho aan la isku raacsanayn ay malgaliso.
  4. Waxaanu ka digaynaa in xukuumadu ay ku sii socoto cadaaladd darada ay ku qaybisay awood qaybsigii dawladdnimo ee la wada lahaa, sida; Golayaasha Sharci-dajinta, Furlinta iyo Garsoorka, ciidamada iyo shaqaalaha.

COMMENTS

%d bloggers like this: