Madaxweyne Farmaajo Oo Furay Shirka Wadatashiga Dowladda Federalka Iyo Maamul Goboleedyada Somalia

Madaxweyne Farmaajo Oo Furay Shirka Wadatashiga Dowladda Federalka Iyo Maamul Goboleedyada Somalia

Xayawaan Dhintay Wakhti Hore oo Dhiig iyo Kaadi Laga Helay + SAWIRO
“Waxa Dhamaaday Beebkii Biyaha Geed-Deeble Illaa Hargeysa..” Maareeye Daarood
UK : Musharax Tartan ku jira oo Maxkamad lasoo Taagayo.
Suudaan: 16 Sarkaal Oo Loo Xidhay Isku-day Afgambi Dhicisoobay
Musuqmaasuq Baahsan Oo Ka Dhacay Laamaha Maaliyadda Ee Soomaaliya (Akhri)

Muqdisho, (HCTV) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoomiyey furitaanka Shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada oo maanta si rasmi ah uga furmay Xarunta Madaxtooyada Qaranka.

Kusimaha Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Cabdirashiid Maxamed Xaashi oo furitaanka shirka kaddib la hadlay Warbaahinta ayaa tilmaamay dadaalka madaxdu ay ku bixinayaan sidii loo sii amba-qaadi lahaa dhammeystirka Heshiiska Doorashooyinka dalka si ay wakhtigeeda ugu qabsoonto.

“Madaxtooyada Qaranka waxa ay soo dhaweynaysaa sida Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ay ugu dadaaleen ka soo qeybgalka shirka , iyadoo haatan loo dhan yahay ka miradhalinta shirkan oo muhiim u ah hirgelinta doorashada dalka.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa furitaanka shirka ka hor waxa uu kulamo hordhac ah la qaatay Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaaadir, kuwaas oo ku saabsanaa sidii shacabka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen xuquuqdooda dastuuriga ah ee ku aaddan in ay doortaan masuuliyiinta ay ku aaminayaan talada dalka.

Furitaanka shirka waxaa ka qeyb galay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, Koonfur-Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed, Puntland Siciid Cabdullaahi Dani, Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam, Galmudug  Axmed Cabdi Kaariye iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir  Cumar Maxamuud Maxamed.

COMMENTS

%d bloggers like this: