Ethiopia: Siyaasi Caan Ah Oo Lagu Soo Oogayo Eedo Argagixisanimo

Addis Ababa, (HCTV) – Jawhar Mohammed oo ah siyaasi mucaarid ah oo aad looga yaqaano dalka Ethiopia ayaa lagu soo oogayaa eedo Argagixisonimo isaga iyo 30 xubnood oo kale, waxaana la filayaa in talaabadani ay dab ku sii shido xiisadaha aan yarayn ee ka taagan gobolka Oromia ee dalka Ethiopia.

Eedaha loo haysto siyaasigan caanka ah ee Jawhar ayaa lagu dhawaaqay maanta oo Sabti ah, kaas oo lagu eedaynayo rabshado dhimasho sababay oo ka qarxay dalka Ethiopia bishii July kadib markii la dilay heesaagii caanka ahaa ee Hachalu Hundessa, oo ka soo jeeday qoomiyada Oromada ee dalka Ethiopia, iyo inuu ku baaqay dibadbaxyo ka dhan ah dawladda uu hoggaamiyo Abiy Axmed oo talada dalkaasi qabsaday 2018-kii.

Masuuliyiinta dawladdu waxay sheegeen in rabshadihii u dambeeyey iyo daganaansho la’aanta ay ku dhinteen dad ka badan 180 qof.

Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee dalka Ethiopia waxa kale oo uu iclaamiyey eedaha dad ka badan 20 qof oo ay ka mid yihiin hoggaamiyaha mucaaridka Oromada Bekele Garba, in Facebook uu ku baahiyey falal dagaal qoomiyadeed iyo mid diimeed ka dhex abuuray muwaadiniinta dalka Ethiopia.

Waxa kale oo ka mid ah kuwa eedaha loo haysto xubno ku kakan Abiy Axmed oo ku nool qurbaha oo uu ka mid yahay Tsegaye Regassa oo Oromada u dhaqdhaqaaqa iyo Birhanemeskel Abebe oo hore olog ama saaxiib ula ahaa Abiy Axmed balse haatan ka soo horjeeda siyaasadiisa.

Jawhar Maxamed iyo Xubnaha kale ee la eedeeyey ayaa Maxkamada ka soo hormuuqan doona mmaalinta Isniinta.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.