Ciidamada Dawlada Somalia Iyo Ururka Al-shabaab Oo Ku Dagaalamaya Galgaduud

Galgaduud, (HCTV) – Ciidamada Xoogga dalka Somalia gaar ahaana qaybta 21-aad ayaa lagu soo waramayaa inay kooxda Al-Shabaab ka saareen deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud, kadib dagaal xoogle oo halkaasi ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab.

Deegaanada dowladdu la wareegtay waxa ka mid ah, Bulacle, Xirsi-fiin, Cada-xaar, Ceel-guureeye iyo God-dhurwaa, kuwaas oo koofur kaga beegan magaalada Dhuusamareeb.

Warbaahinta dowladda Somalia ayaa sheegtay inuu dagaalku bilowday saaka aroortii hore, walina uu ka socdo, balse ay Ciidamadu ku sii dhawaanayaan deegaanada Ceel-lahelay iyo Ceel-garas oo Al-shabaab gacanta ku hayeen 10 sano.

Saraakiil katirsan ciiddanka xoogga Somalia ayaa warbahinta ku hadasha afka dowladda u xaqiijiyey in ay Al-shabaab gaadhsiiyeen jab aad u xoogan.