Israel Oo Ka Soo Horjeedsatay In Qatar Laga Iibiyo Diyaaradaha Dagaalka Maraykanka Ee F-35

Jerusalem, (HCTV) – Wasiirka Mukhaabaraadka Israel Eli Cohen ayaa ka soo horjeestay iib kasta oo dhexmara Maraykanka iyo Qatar oo ku saabsan diyaaradaha dagaalka ee F-35.

Mr Eli Cohen, ayaa hadalkan sheegay maanta oo Axad ah, waxaanu iftiimiyey in Israel ay u baahan tahay inay sii joogtayso saraynta dhinaca Milatariga ee Gobolka.

Wasiirka Sirdoonka Israel ayaa hadalkan sheegay mar wax laga waydiiyey war ay baahisay Reuters oo sheegaya in Qatar ay Washington u gudbisay codsi rasmi ah oo ay ku doonayso inay kaga iibsato diyaaradaha dagaalka ee F-35 iyo in ay ka soo horjeedaan ayaa waxa uu ku jawaabay Cohen “Jawaabtu waa Haa. Sarayntayada amaan iyo milatari ee gobolka, waa ta noogu muhiimsan anaga. Wadankayagu wali iskumuu badalin sida Switzerland.” Ayuu yidhi Cohen.

Codsigan Qatar ayaa daba socday heshiiskii bishii August dhexmaray Maraykanka iyo Imaaraadka Carabta oo isaguna Maraykanka kula heshiiyey in wadamada Gacanka loo ogolaado inay iibsadaan diyaarada maraykanka ee F-35 ayaa qayb ka ahaa heshiis Maraykanku uu ugu gobol xaadhayey heshiiskii loogu yeedhay the Abraham Accord ee lagu caadiyeynayey xidhiidhka Israel.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.