Maxkamadda Ciidamada Soomaaliya Oo Xukun Ku Riday Dad Ku Eedaysnaa Weerar Xabsiga Dhexe Ka Dhacay

Muqdisho, (HCTV) – Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun ku riday 11-Eedaysane oo isugu jiro Ciidamada Asluubta, Xunkusanayaal iyo Garsugayaal lala xadhiidhyay inay kaalin ku lahaayeen weerarkii xabsiga dhexe ee Xamar ka dhacay.

Mubarak Ibraahiim Iidle oo hore ugu xukunaa 10 sano oo xabsi Ciidan ah ayay maxkamadu sheegtay inuu Gacanta hore weerarka, wuxuu Nolosha u aqoonsaday Maxamed Yusuf Toxow iyo Muqtar Cabdullaahi Muuse.
Dambiilahan ayaa weerarka kadib ka baxsaday dhabarka dambe ee Xabsiga, ayaya Maxkamadu sheegtay.
Maxamuud Nuur Isaaq (Forex) oo isaga ahaa dadkii loo xidhay lacaga Online-ka ah ayay maxkamadu sheegtay inuu ahaa qofka sida gaarka ah Maxaabiista uga iibiya Qudaarta.

Baadhitaanno muddo dheer qaatay, Maanta ayay Maxamadda Go’aan ka soo saartay, waxaana la xukumay dhammaan dadkii ku lugta lahaa.
1-Mubarak Ibraahiim Iidle waxaa lagu xukumay Dil-toogasha ah isaga oo Maqan.
2-Cabdullaahi Macalim Xuseen, 3-Maxamed Daahir Maxamed 4-cabdi Jire Yusuf waxaa lagu wada xukumay Min 5-sano oo xabsi Ciidan ah iyo ka saaridda Ciidamada Asluubta  oo ay ka wada tirsanaayeen.
5-Cali Barre Cali Maxamed oo ka tirsan Asluubta ayaa isna lagu xukumay 3-sano oo xabsi Ciidan ah.
6- Maxamuud Nuur Isaaq (Forex) ayaa lagu xukumay 5-sano oo Xabsi Ciidan ah.
7-Maxamed Nuur Maadeey, 8-Maxamed Maxamuud Mataan, 9-Cumar Xasan Abtidoon iyo 10-Isaaq Geedi Ibraahim oo kawada tirsanaa Asluubta ayaa lagu xukumay min 6-bil oo xabsi Ciidan ah halka 11-Cabdi Axmed Maxamuud oo Asluuta aha ay Maxkamaddu dambi ku weyday.
Weerarkii xabsiga waxaa ku dhintay in ka badan 15 qof  oo intooda badan ahaa maxaabiis u suurto gashay inuu gacantooda galo hub.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.