Somaliland: Maxkamad Xukun Adag Ku Ridday Mulkiilaha Astaan Tv

Hargeysa (HCTV) – Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ayaa xukun adag ku ridday Mulkiilaha Astaan Tv Cabdimanaan Yuusuf.

Maxkamadda oo Bilihii u dambeeyay xidhnaa isla-markaana dacwaddiisu socotay ayaa Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex waxay ku xukuntay 5 sanadood oo xadhigga. 

Sidoo kale – waxay Maxkamaddu ku xukuntay in la xayiro telefiishanka Astaan oo Mulkiyaddiisa leeyahay Cabdimanaan.

Sidoo kale – Maxkamaddu waxay soo saartay ganaax lacageed oo dhan 2 Million oo shilinka Somaliland. 

Xukunkan waxa Cambaareeyay Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, kaasi oo sharci-darro ku tilmaamay.

 

Horn Cable Tv 

Waaxda ONLINE-KA