Cilad gashay nidaamka daabacaadda Baasaaboorka Soomaaliya.

Cilad gashay nidaamka daabacaadda Baasaaboorka Soomaaliya.

Daranyada Haysata, Darbijiifka Somaliland.
Barnaamijka Weydiinta Bulshada [HCTV]
[ Barnaamijka Caweyska ]©| HCTV
Barnaamijka Salaamaha Ciida Ee Madaxtooyadda S.LAND
Ninka Ugu Taajirsan Afrika oo lacag Badan Lasoo Baxay, Si uu u Daawado.

Muqdisho, January 21, 2019 (HCTV) Cilad farsamo oo loo caal-waayay ayaa soo food saartay nidaamka daabacaadda Baasaaboorka Somalia muddo ku dhaw bil  iyo badh, sida ay HCTV u xaqiijiyeen Qaar ka mid ah Hawlwadeenada Waaxda Socdaalka ee Soomaaliya  “waxa la noo sheegay in aanu joojino gebi ahaanba buux-buuxinta iyo dalabka baasaaboorka Soomaaliya, sababtana waxaa naloo  sheegay cilad farsamo oo soo waajahday nidaamka Baasaaboorka lagu daabaco” Sidaa waxa yidhi madaxa xarun laga dalbado Baasaaboorka soomaaliya oo codsaday in aan magaciisa la sheegin sabab la xidhiidha xagga amnigiisa.

“waxa kale oo ay madaxdu sheegeen in todobaadyadii ugu horeeyey ee bishan January loogu yeedhay khubaro ka socota dalka Turkiga kuwaasi oo ka shaqaynayay sidii loo cilad saari lahaa hannaanka farsamadda daabacaadda, balse ilaa hadda kuma ay guulaysan”. ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Sidoo kale waxa ay wararku sheegeen in gebi ahaanba aan laga qaadanaynin Baasaaboorka Somalia meel kasta oo laga bixin jirey, haddii ay tahay gudaha dalka Somalia iyo guud ahaanba wadamada kale ee laga bixiyo ee ay joogaan Safaaradaha Somalia, amaba xafiisyada ka wakiilka ah.

Hase yeeshee, Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha, Arrimaha Debada iyo Laanta socdaalka ee Somalia, ayaan wax war ah ka soo saarin arrintani.

HCTV,

COMMENTS

%d bloggers like this: