Hoggaamiyeyaasha UCID Iyo WADDANI Oo Fagaare Eedaymo Iskugu Jeediyey

Hargeysa (HCTV) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Faysal Cali Waraabe iyo Guddoomiyaha ku meel-gaadha ah ee Xisbiga WADDANI, Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jire ayaa meel fagaare ah isku waydaarsaday hadallo siyaasadeed oo qalafsan.


Labadan Siyaasi oo Xalay ka qayb-galay Dood-Cilmiyeed lagu qabtay Hargeysa, ayaa iswaydaarsaday haddallo eed iyo jawaab ah.


Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo hadalka ku horreeyay ayaa sheegay in Xisbiga UCID ee Faysal uu Guddoomiyaha ka yahay aanu xilligan wax Xildhibaano ah ku lahayn Golaha Wakiillada, waxaanu yidhi “Faysal Cali Xuseen waxa u soo baxay 21 Xildhibaan, laakiin Maanta midh kama hayo, markaa Xisbi aanay gudihiisa dimuqraadiyad ka jirin Dawlad dimuqraadi ah ma dhisi karo, Cabdiraxmaan-Cirro kuma dhaco oo Maanta kuma odhan karo Xisbiga sidan ka daa’..”

Faysal Cali Waraabe Iyo Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde


laakiin, Faysal Cali Waraabe oo daba socda hadallada Xildhibaan jire ayaa yidhi “Annagu markaanu soo saarnay 21 Xildhibaan waanu u yeedhnay, waxaanu u samaynay hoggaamiye, waxaan ku idhi Afartii biloodba mid ha noqdo Hoggaamiye, dabadeedna waxa u yeedhay ina Rayaale oo ku yidhi, Ina Cali Waraabe wuxuu doonayaa inuu Remote idinku xukumo, markaas ayay iga wada yaaceen, markaa hadduu Jirde yidhi Dad ma haysto, waa runtii.”


Faysal wuxuu Guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah ee WADDANI ku eedeeyay in markii uu burburay Xisbigii UDUB uu si Sharci-darro ah ugu biiray xisbiga WADDANI “Xisbigii UDUB wuu baaba’ay, hadduu baaba’ay Jirde Sharcigu ma odhanin WADDANI tag, waa inuu Madax-bannaanaadaa illaa inta uu doorashada dambe galayo, laakiin Xeer bay qorteen.”


Guddoomiyaha UCID wuxuu Jirde ku eedeeyay inuu muddo 4 sanadood ah qaadanayey Mushaharka Golaha Wakiillada, isagoo dalka dibeddiisa ku maqan, taasina ay Sharci-darro tahay “Xildhibaan Jirdana Afar Sanadood ayuu Jaamacad ku maqnaa oo uu Mushaharka (Golaha Wakiilladana) qaadan jiray..”ayuu yidhi, hase-yeeshee Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo hadalka mar kale ku soo noqday ayaa ka jawaabay eedaymaha Faysal “Ta aad tidhi Afar sannadood ayuu maqnaa waa been, waayo? hal sano ayaan Jaamacad ku maqnaa, muddadaana Golaha ayaan fasax ka haystay..”

HCTV News Desk