Cabsida Laga Qabo Diyaaradaha (737 Max-8) Oo Sii Kordhaysa

Florida (HCTV) – Waxa sii kordhaya Cabsida Dadweynaha Adduunku ka qaadeen diyaaradaha noocoodu yahay 737 Max -8 oo ay farsamayso Shirkadda Boeing, taasina waxay keentay in indhaha lagu wada hayo dhaqdhaqaaqa diyaaradahaasi.

Salaasadii Shalay ayay ahayd markii diyaarad nooceedu yahay 737 Max-8 oo ka duushay garoonka diyaaradaha Orlando International Airport ee Dalka Maraykanka, ka dib markii la ogaaday inay jirto Cillad dhanka Mishiinka ah.

Diyaaradda la fadhiisiyey ayaa la nooc ah diyaarado Dalalka Adduunka oo dhami shaqada ka fadhiisiyeen, ka dib markii laba diyaaradahaas oo burburay dibedda u soo saareen cilad dhanka farsamada diyaaradahaas ah oo jirta.

Diyaaraddan ayaa si deg-deg ah loo fadhiisiyey, ka dib markii laba duuliye ee diyaaradda hagayey lagu amray inay diyaaradda oo ku socotay Victorville inay ku celiyaan Orlando isla-markaana si deg-deg ah u fadhiisiyaan.

Maamulka duulimaadyada ee Maraykanka ee Magaciisa loo yaqaanno (FAA)  ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegay in  aanay jirin wax dhibaato ah oo ka dhalatay diyaaradda deg-degga loo fadhiisiyey.

Afhayeen u hadlay Shirkadda samaysay diyaaradaha noocan ah ee Boeing ayaa isaguna sheegay inay ku wecyi-gashan yihiin khatartaha ka iman kara diyaaradaha noocan ah, laga bilaabo wixii ka dambeeyay diyaaraddii Ethiopian Airlines oo burburtay 10 bishan March iyo Lion Airlines oo Dalka Indonesia ku buburtay lix bilood ka hor, taasi oo ay ku dhinteen 346, halka ta Itoobiya ku burburtayna ay ku dhinteen 157.

 

Horn Cable Tv